Home Wararka Somaliya Galmudug oo Xaqiijisay Weerar lagu Dilay Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab

Galmudug oo Xaqiijisay Weerar lagu Dilay Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ki yaal Koonfurta Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku garsiiyeen.

“Galabtay abaaro 1500pm saacaddu markii ahayd ayaa ciidamo si gaar loo xulay oo kuwa Qaranka iyo Galmudug isugu jira waxay Duleedka Bari ee magaalada Camaara weerar qorshaysan ku qaadeen koox argagixisada Shabaab ka tirsan oo goobtaas ku dhuumaalaysanaysay, ayadoo dhammaan la soo afjaray, ciidamadeeniina waxay si nabad ah ugu soo laabteen fariisamahoodii aya lagu yiri” Warka kasoo baxay Galmudug.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in hadda Al-Shabaab kaliya ay adeegsanayaan weerarada hoobiyeyaasha ah, miinooyinka dhulka lagu Aaso.

Ad
Previous articlePuntland oo ka hadashey Dadkii lagu Dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo
Next articleTaliyaha NISA oo Magacaabay Madaxa Shaqada ee Hay’ada nabad sugida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here