Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay wehliyaan masuuliyeen ka tirsan Dowlad gobaleedka Galmudug ayaaa maanta dhagax dhigay dhismaha boqolka guri ee deegaameynta loogu sameynaayo dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo soo gaaray
Dhagax dhiga munaasabadan ayaa waxa ka soo ka qeyb galay Gudomiyaha Gobolka mudug ee Galmudug Ahmed xuseen Shire Bukhaari iyo gudomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo, Xubno ka socday Wasaaradaha Arimaha Gudaha & mida howlaha guud iyo guriyeynta Galmudug, Masuuliyeenta Hay’adaha UNCHR, NRC.iyo odayasha dhaqanka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada .
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay dhismaha guryahaan inay wax weyn tari doonaan dadka barakacyaasha ah iyo dadka deeganka islamaarkaana ay unoqon doonaan is dhexgal bulsho.