Home Wararka Maanta Baarlamaanka labada aqal oo ugu danbayn Go,aan gaaray Miisaaniyada 2022

Baarlamaanka labada aqal oo ugu danbayn Go,aan gaaray Miisaaniyada 2022

0

Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2022 ee dowlada kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay.

Mudanaasha labada Aqal oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka oo gaareysa lacag ku dhow hal bilyan oo dollar, waxaana haa ku ogolaatay 204-xildhhibaan.

Warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga KMG ee Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ayaa waxaa ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha ayaa u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo wax laga weydiiyey xisaab xirka miisaaniyada afarta sano ayaa ku adkeystay inuu u soo gudbiyey gudoonkii hore ee Baarlamanka.

Ad
Previous articleGalmudug oo qaaday Tilaaba Muhiim ah oo lagu amaanay
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Soo gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here