Home Wararka Somaliya Galmudug oo Mashariic Hormarineed ka Bilowday Degmado Dhawaan lagu Dhawaaqay(Sawiro)

Galmudug oo Mashariic Hormarineed ka Bilowday Degmado Dhawaan lagu Dhawaaqay(Sawiro)

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Galmudug ayaa ka Daah Furtay Degmada Xeraale kulanka wacyigalinta Nabadda Waarta & Mashruuca Wax iskudarsiga Bulshada Xeraale oo socon doona muddo 5 cisho.

Xog-Hayaha Joogtada ee wasaaradda arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane: Suleiman Abdullahi Hassan ayaa Furay kulanka, sidoo kale wuxuu Xog-hayahu ugu Hambalyeeyay Maamulka & Bulshada Degmada Xeraale Degmanida Cusub ay Heshay Degmada Xeraale 24kii Dec.

2021, Sidoo kale Bulshada Degmada Xeraale ku Booriyay in ay ka shaqeeyaan Xoojinta Nabadda & Ka qeyb qaadashada Mashaariicda Wax Isku darsiga Degmada Xeraale.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Madax ka socotay Wasaarada Arrimaha Gudaha & Hay’ada Horn Center, Maamulka Degmada & Ururada Bulshada Rayidka ee Ku Dhaqan Degmada Xeraale.

Ad
Previous articleKooxda Daacish oo Qoorta Ka Jaray Sarkaal Todobaad Kahor Gacanta Kuu Dhigeen(Sawiro)
Next articleSalaadiinta, Ugaasyada iyo nabadoonada beelweynta gorgaarte hawiye oo ku kulmay Magaalada Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here