Home Wararka Somaliya Galmudug Salaadiinta, Ugaasyada iyo nabadoonada beelweynta gorgaarte hawiye oo ku kulmay Magaalada Dhuusamareeb(Sawiro)

Salaadiinta, Ugaasyada iyo nabadoonada beelweynta gorgaarte hawiye oo ku kulmay Magaalada Dhuusamareeb(Sawiro)

0
Shir dhaqameedkan oo magaalada Dhuusamareeb ka dhacay ayay isugu yimaadeen Salaadiinta, Ugaasyada iyo nabadoonada qaar ka mid ah beelaha Galmudug daga, iyadoo ujeedadiisu aheyd midnimada beelweynta gorgaarte hawiye oo dhaqankoodu kawada xaajoonayo arimo ay ka mid yihiin xoojinta wada-dhaqanka, walaalnimada iyo wadajirka bulshooyinkaasi abtiris wadaaga ee madashan ku kulmay.
Shirkan oo si weyn loogu wadaagey hadalo ku qotomey sida wax walbaa uga dhexeeyaan bulshada walaalaha ah ee gogoshan ku kulmey ayay dadka ka hadley oo isugu jiray nabadoono iyo abwaanoba adkeeyeen in lagu dadaalo midnimada ummada.
Suldaan Mubarak Ali Hirsi oo hoggaaminayay duubabka dhaqanka ee muqdisho uga yimid qabsoomida shirkan ayaa walaalaha kale ee gogoshan ajiibey ku amaaney doorkooda, isagoo rajeeyay in isku imaatinkan uu meesha ka saaro kala maqnaan walba oo hore u saameysay wadajirka guud.
Ugu dambeyn Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ee shirkan ka qayb gashey ayaa alle u waydiiyey bulshada Soomaaliyeed nabad iyo wadajir, gaar ahaan dadka walaalaha ah ee shirkan ku midoobey.
Shir dhaqameedkan oo si weyn loo soo agaasimey ayay ka qayb galeen Salaadiin iyo Ugaasyo isaga yimid gobolada dalka iyo daafaha caalamka, kuwaa oo ujeedkooda ugu weyn ahaa isku baadi goobida bulshada ay dhaqanka ku .
May be an image of 2 people, people standing, outdoors and treeMay be an image of 3 people, people sitting, people standing, headscarf, indoor and text that says 'GOR'May be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing and outdoors
Ad
Previous articleGalmudug oo Mashariic Hormarineed ka Bilowday Degmado Dhawaan lagu Dhawaaqay(Sawiro)
Next articleShiik Shariif oo Ka Hadlay hadal Kasoo yeeray Taliye Xijaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here