Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo maantay lagu Doortay 4 Xildhiibaan Soona gabgabaysay kuraastii Taalay Dhuuusamareeb(Sawiro)

Galmudug oo maantay lagu Doortay 4 Xildhiibaan Soona gabgabaysay kuraastii Taalay Dhuuusamareeb(Sawiro)

0

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada Afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaaladaas.

Kursigii horeeyay ee saaka oo ahaa Hop012 waxaa ku guuleystay Xidhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo markale ku soo laabtay golaha shacabaka ee Baarlamaanka 11 aad ee dalka.

Faa’iso Maxamed Jeyte ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop048 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kursiga saddexaad ayaa waxaa ku guuleysay Cabdirisaaq Aadan Warsame oo tartamayay kursiga nambarkiisu yahay Hop137.

Saabir Nuur Shuuriye oo afartii sano lasoo dhaafay ka mid ahaa golaha shacabka ee barlamaanka dalka ayaa isna markale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop071.

Waxaa sidaas ku dhamaaday 26-ka kursi oo doorashadoodu ay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, waxaana wixii hadda ka dambeeya galmudug ay u gudbeysaa doorashooyinka degaan doorashada 2aad ee maamulkaas oo ah Gaalkacyo.

Dhuusamareeb ayaa noqotay magaaladii labaad ee soo gabegabeysa doorashada xubnaha golaha shacabka, horeyna waxaa uu soo dhamaaday doorashadii ka dhaceysay degmada Baraawe oo si la mid ah Dhuusamareeb lagu doortay 26 xildhibaan.

Ad
Previous articleXaaska mushrax Madaxweyne oo Goordhow Xildhibaan Ku Gulaystay
Next articleDoorashada Banaadiriga oo Maantay Lasoo Gabagabeeyey(Aqriso Magacayada kusoo Baxay)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here