Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ahna ku-simaha Wasiirka ayaa waxaa uu Maamul cusub u Magacaabay Deegaanka Xero-Dahableey oo horay loogu yaqaaanay Deegaanka Xero-Dhagaxleey oo ka tirsan gobolka Mudug.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Axmed Cusmaan Aadan ( Qooje) ayaa waxaa lagu yiri” Aniga oo tixgalinaya soo Jeedinta Dhamaan waxgaradka iyo Siyaasiinta Gobolka Mudug, gaar ahaan Deegaanka Xero-Dahableey, gudanayana waajibkeyga Dastuuriga waxa uu Maamul loo wada dhanyahay u magacaabay degaanka Xero-Dahableey.
Ilaa 15 Xubnood ayaa loo Magacaabay nay noqdaan maamulka degaanka Xero-Dahableey, kuwaas oo isugu jira Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen, Xogheyn, Afhayeen & 11 Xubnood, waxaana Magacyadooda kala yihiin.
Gudoomiye
- Xasan Shiekh Cilmi Cosoble
Gudoomiye ku xigeen
- Siciid Tahlil Guuleed
- Cali Maxamed Guuleed
Xog-haye
Afhayeen.
- Maxamed Cali Carab
xubin
- Cabdulahi Garaad Diiriye
xubin
- Cabdalle Cali Abshir
xubin
- Cabdi Maxamed Ducaale
8: Maxamed Maxamuud Bulaale
xubin
- Cismaan Maxamuud Dige
xubin
- Xirsi-Dahir Maxamed Sahal
xubin
- Hodan Shariif Maxamed
xubin
- Seynab Muxidiin Cosoble
xubin
- Maxamed Sharif Maxamuud
xubin
- Cali Warsame Cali
xubin
- Cabulaahi Roble Jimcaale
xubin
Ugu dabeyn qoraalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ahna ku-simaha Wasiirka ayaa waxaa lagu soo geba gabeeyay.
“ Wasaaraddu waxa ay Ka rajeynaysaa Maamulka Cusub Ee Deegaanka Xero-Dahableey inay si hufan u gutaan Masuuliyada culus Ee loo igmaday, kana Shaqeeyaan Barnaamijyada horumarinta deegaanka iyo Bixinta Adeegyada Aasaasiga Ee Dadweynaha.