Home Wararka Maanta Galmudug oo ka hadashay Wararka sheegaya iney damacsan yihiin muddo kordhin

Galmudug oo ka hadashay Wararka sheegaya iney damacsan yihiin muddo kordhin

0

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay ka ka hadlay wararka sheegaya in muddo loo kordhin loo sameynayo Madaxda iyo goleyaasha Maamulka.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa sheegay in baarlamaanka maamulkaas la geeyey sharciga xisbiyada iyo guddiga doorashada, talaabadaasoo uu sheegay inay muhiim u tahay Galmudug

Cabdi Waayeel oo la waydiiyey in sharciga la horgeeyey Baarlamanka uu gogol xaar u yahay muddo kordhin loo sameynayo heyadaha xukuumadda iyo Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in arrintaas ay tahay mid jirta oo ay kaga dayanayaan maamulada kale ka jira dalka oo horey u sameystay muddo kordhin hal sano ah.

“Muddo kordhinta waa mid lagama maarmaan ah iyadoo la eegayo duruufaha ka jira dalka sida abaaraha, dagaalada lagula jiro argagaxisada oo meel xasaasi ah iyo culeysyada dhaqaale iyo bulsho ee jira, codsiga muddo kodhintana waxaa uu ka iman karaa xukuumadda ama baarlamanka” ayuu yiri wasiirka

Hadalka Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) ayaa ku soo aadaya xili maamul goboleedyada Hirshabelle, Jubbaland iyo K/Galbeed oo muddo xileedkoodu ahaa afar sano ay sameysteen muddo kordhin sanad ah, iyadoo Maamulka Puntland uu horeyba muddo xileedkiisu u ahaa shan sano.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleRaila Odinga oo Diiday ka qeyb galka Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweyne Ruto
Next articleWar Deg Deg Ah: Maamulka Galmudug oo Mudo Kordhin Loosameeyey