Home Wararka Maanta Galmudug oo Degmada Xeraale ka Furay Xafiis Baahi Badan Loo Qabay(Sawiro)

Galmudug oo Degmada Xeraale ka Furay Xafiis Baahi Badan Loo Qabay(Sawiro)

0

Agaasime ku-xigeenka guud ee Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed Mudane Xuseen Abdullahi Shiikh oo uu wehliyo
Agaasimaha Laanta 4aad ee Hay’adda Mudane Maxamed Cabdullaahi Aadan ayaa maanta xariga ka jaray Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada Xeraale ee Gobolka Galguduud.

Agaasimaha Laanta 4aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Maxamed abdullahi Aadan ayaa sheegay in xafiiskan noqonayo Xafiiskii 8aad oo laga hirgeliyo deegaanada Galmudug si Bulshada loo gaarsiiyo adeegga Baasaboorka oo dhamaystiran.

Odeyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Degmada Xeeraale ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uga mahadceliyeen in loo soo dhaweeyo adeegga bixinta Baasaboorka oo waqti badan ku qaadan jiray helitaankiisa, iyagoo safarro dhaadheer u gali jireen.

Ugu dambyn Agaasime ku Xigeenka Guud ee Hay,ada Socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliyeed Mudane Xuseen Abdullahi Shiikh ayaa sheegay in xafiiskan uu furan yahay isago Bulshada Degmada Xeraale uga mahad celiyay bixinta dhismahan xafiiska laga furay, sidoo kalana kula dardaarmay in ay ilaaliyaan habraaca lagu bixiyo Baasaboorka Dalka si loo joogteeyo shaqada Xafiiska.

Ad
Previous articleMucaaradka Beri La Shiraaya Madaxweyne Xadan Shiikh oo Caawa Shir Ugu Socdo Muqdisho
Next articleSSC oo Dowlada Soomaliya Ku eedayday inaybKa Qayb Qaadanayso Dagaalka Kasocdo laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here