Home Wararka Maanta Mucaaradka Beri La Shiraaya Madaxweyne Xadan Shiikh oo Caawa Shir Ugu Socdo...

Mucaaradka Beri La Shiraaya Madaxweyne Xadan Shiikh oo Caawa Shir Ugu Socdo Muqdisho

0

Waxaa hadda shir uga socdaa hoyga Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur

Shirkan ayay uga arrinsanayaan ajandayaasha ay maalinta berri la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono shir wadatashi oo uu Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono oo uu kala hadli doono go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Mas’uuliyiintan oo maanta badankood soo gaaray Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana ay soo ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid durba bilaabay inuu xilli hore furay saaxada siyaasadda iyo albaabada wada tashiga arrimaha masiiriga u ah dalka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Beri ka Furmaaya Muqdisho iyo Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay
Next articleGalmudug oo Degmada Xeraale ka Furay Xafiis Baahi Badan Loo Qabay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here