Home Wararka Somaliya Galmudug oo Baaraysa sababihii ka dambeysay dil Loo gaystay sheikh Cali dheere

Galmudug oo Baaraysa sababihii ka dambeysay dil Loo gaystay sheikh Cali dheere

0

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga ka hadashay Dil kooxo hubeysan Magaalada Gaalkacyo ee  Gobolka Mudug ugu geysteen Sheekh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), oo ka mid ahaa culimada gobalka Mudug aad looga yaqiinay kadib markii ay afduubteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray qoyska uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Axmed, waxaana Wasaaradda amniga sheegtay in Sheekha uu ahaa samafale.

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa falka dilka loo geystay Sheekha ku tilmaamtay inuu ahaa gabaoodfal iyo xadgudub, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan falkaas dhacay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xustay in dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ay u magacaabeyso Guddi baariraano ku sameeya, isla markaana ka codsatay Ehelada Marxuumka inay is dejiyaan oo Guddiga warbixin ka sugaan.

Ugu danabyn, Wasaaradda ayaa waxaa ay ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed xogta baarista lala wadaagi doono hey’adaha sharciga iyo ehelada, iyada oo  ciddii lagu helo in ay ka danbaysay falkaas ama qeyb ka ahayd la horkeeni doono sharciga.

Ad
Previous articleMunaasabada ciida oo Maanta si weyn looga dabaal degay Somaliya
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii Hore ee dalka oo Kulan wada qaatay (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here