Home Wararka Maanta Gaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub...

Gaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska dalka Bulgaria helay gaari xamuul ah oo looga tagay goob cidlo ah, waxaana gaariga gudihiisa markii la furay laga helay meydadka 18-qof oo tahriibayaal ah iyo tiro kale oo nool kuna jira xaalad halis ah .

Tahriibayaasha oo kusii jeeday waddamo Yurub katirsan ayaa la sheegay in neefta ku dhagtay kaddib markii lagu xareeyay meel cariiri ah oo ka hooseeya alwaaxdii gaariga uu siday, waxaana looga tagay gaariga iyo dadkii saarnaa goob cidlo ah .

Booliiska Bulgaria ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan gaariga laga helay meydadka 18-ka qof ee tahriibayaasha, waxa ayna ciidamada baadigoob ugu jiraan dadkii waday gaariga laga helay meydadka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Bulgaria ayaa sheegtay in gaariga xamuulka ah uu u muuqday mid ay saarnaayeen ku dhawaad ​​40 qof oo tahriibayaal ah, iyadoo dadkii badbaaday loo qaaday isbitaallada si noloshooda loo badbaadiyo.

Dhinaca kale Wasiirka caafimaadka dalka Bulgaria, Assen Medzhidiev ayaa sheegay in lala tacaalayo xaalada dadkii noolaa ee laga helay gaariga, waxa uuna sheegay in dadkaasi intooda badan ku jiraan xaalad halis ah.

” Dadka nolosha lagu helay waxay la ildaran yihiin Ogsajiin la’aan, dharkoodu waa qoyan yahay, way qabow yihiin, oo sida cad maalmo ma aysan cunin, xaalkooda waa adag yahay waana lala tacaalayaa.” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Bulgaria.

Warbaahinta dalka Bulgaria ayaa baahiyay in dadka dhintay iyo kuwa nool ee gaariga laga helay dhammaantood kasoo jeedaan dalka Afgaanistan, waxa ayna dadkan kusii jeeday waddamada kale ee Yurub iyaga oo marin kasii dhigtay dalka Bulgaria.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Ka Socda Magaalada Laasacaanood
Next articleCiidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo Maantay Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here