Home Wararka Somaliya War Deg Deg Ah:- Fahad Yaasiin oo loo doortay kursi Golaha Shacabka

War Deg Deg Ah:- Fahad Yaasiin oo loo doortay kursi Golaha Shacabka

0

Magaaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilaabatay doorashada lix kamid ah 25-ka kursi ee taalla Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursiga Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kursiga Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo helay 70 Cod halka musharixii la tartamayay ee Janeraal Axmed Dayib Axmed uu helay  24 Cod.

Kuriga uu Maanta doorashadiisa ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo uu horay ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa uu noqday kursiga ugu saameynta badan doorashooyinkii ka dhacay dalka.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Beledweyne, waxaana qorshuhu yahay in Maanta la doorto ilaa lix kursi.

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka Jubaland oo Shaaciyay 5Kursi kaliya Xili Waqtigii Doorashadu dhamaadtahay
Next articleGaalkacyo oo Doorasho Adag ku dhex-mareyso Al-Cadaala iyo Odawaa ” Doorasho Adag”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here