Home Wararka Somaliya Jubbaland Fashil markale Ku Yimid Doorashadii Garbahaareey

Fashil markale Ku Yimid Doorashadii Garbahaareey

0

Waxaa markale fashil uu ku yimid jadwalka uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland ee ku aadanaa qabashada doorashada kuraasta Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa 15-kii bishan March ku dhowaaqay in 14 cisho gudahood lagu qabanayo doorashada kuraastaasi, waqtigaas oo maanta ku eg, mana jirto illaa iyo hadda wax ka dhaqan-galay go’aankaas oo lagu wajahayo doorashada ka dhaceyo degmada Garbahaarey.

Sababta ugu weyn ayaa ah in weli halkeedii ay tahay dooda hareysay doorashada kuraastaas, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo maamulka Gedo oo ku xiran Villa Somalia.

Jubaland ayaa haatan ku doodeysa i magaallo xeebeedka Kismaayo ama degmada Ceelwaaq midkood lagu qabto doorashada, halka maamulka gobolka Gedo uu ku adkeysanayo in doorashada loo dhaafo, halka lagu heshiiyay oo ah Garbahaarey.

Illaa iyo hadda ma muuqdo wax isku dhowaansho ah, mana cadda xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada kuraastaas oo murankoodu soo jiitamayey tan iyo 2020-kii.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftgareen oo la Kulmay Isha Dyfan
Next articleMadaxweyne QoorQoor oo Maantay Xariga Ka Jaray Wasaarad Cusub oo Dhawaan la Dhisay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here