Home Wararka Maanta Farmaajo oo u ambabaxay Wadanka Itoobiya

Farmaajo oo u ambabaxay Wadanka Itoobiya

0

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaadaye ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa Goor dhaw u duulay Wadanka itoobiya si uu uga qeyb Galo caleema saarka R/W Itoobiya Abiy Ahmed oo mar kale Xisbigiisa loo doortay talada dalka.

Waa safarkii ugu Horeeyay ee Farmaajo Dalka uga ambabaxo Tan iyo Markii La Fashiliyay Muddo kororsigii Labada Sana aheed ee Farmaajo uu ku dhaqaaqay.

Sidoo kale Farmaajo ayaa la xusuustaa in bishii May inuu arrimo u gaar ah uga baaqsaday caleema saarkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo maalmo ka horna uu ka soo qeyb galay caleema saarkii Yoweri Museveni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo inuu sii aado magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaana soo baxaya warar sheegaya in la qorsheynayo Ciidamadii horay tababarka loogu qaaday Eritrea qeyb ka mid ah dib dalka loogu soo celiyo.

Ad
Previous articleDoontii ugu Horeysay ee Kuluumaysi Ayaa ku xiray Dekeda Hobyo. (Sawiro)
Next articleCiidamada Ka Tirsan Haramcad oo Soo gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here