Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Ka Tirsan Haramcad oo Soo gaaray Dhuusamareeb

Ciidamada Ka Tirsan Haramcad oo Soo gaaray Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta Soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo  laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 200 ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan in gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo Degmada Guriceel oo jimcihii la soo dhaafay ay la wareegeen Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada la dejiyay qeyb kamid ah Magaalada, iyaga oo ku biiray Ciidamo dhawaan la geeyay halkaas.

Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada taabacsan Ahlusunna ee la wareegay Guriceel.

 

Ad
Previous articleFarmaajo oo u ambabaxay Wadanka Itoobiya
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo gaaray Itobiya (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here