Home Wararka Maanta Faransiiska oo doonaya inuu duqeeyo Madaxtooyada Niger oo uu ku dhex xiran...

Faransiiska oo doonaya inuu duqeeyo Madaxtooyada Niger oo uu ku dhex xiran yhay Madaxwaynihii la afgembiyey

0

Dowladda Niger ayaa u ogolaatay Faransiiska inuu weerarro duqayn ku qaadaan qasriga Madaxtooyada DALKAASI si loo sii daayo Madaxweyne Mohamed Bazoum, oo ay taliska millaterigu ay todobaadkii hore kala wareegeen talada dalkaasi.

Ciidamada Millateriga ayaa horay uga digay isku dayada shisheeye ee lagu doonayo in lagu soo furto Bazoum, kaasoo lagu haysto qasriga tan iyo Arbacadii, markii uu dhacay afgembigu.

Bayaan uu Isniintii soo saaray, Kornayl Amadou Abdramane, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha afgembiga, ayaa ku andacoodey in Faransiiska, oo xulafo la ah dalkaas dhanka la dagaallanka fallaagada jihaad doonka ah, uu raadinayey hab uu “faragelin millateri” ugu sameeyo xaaladda.

“Faransiiska, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dadka reer Niger, ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guud ee Ciidamada Ilaalada Qaranka ee Niger si ay u helaan oggolaansho siyaasadeed iyo mid millateri oo lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Abdramane.

Sida laga soo xigtey isaga, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Niger Hassoumi Massoudou iyo Maj. Midou Guirey, oo ah Taliyaha Ilaalada Qaranka, labaduba waxay u fadaxen Paris inay “fuliyaan weerarro duqayn ah.”

MW Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa horay u dhaleeceeyey afgembiga isagoo sheegay inay agaasimi doonaan dalalka gobolka si tillaabo looga qaado.

Ad
Previous articleDiyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay
Next articleMaxaad ka taqaanaa gabadha Soomaaliya ku mataleysa tartanka orodka ee Shiinaha ka dhacay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here