Home Wararka Maanta Maxaad ka taqaanaa gabadha Soomaaliya ku mataleysa tartanka orodka ee Shiinaha ka...

Maxaad ka taqaanaa gabadha Soomaaliya ku mataleysa tartanka orodka ee Shiinaha ka dhacay?

0

Waxaa shalay garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde laga sagootiyey laba orodyahan oo Soomaaliya uga qayb gali doona tartan orod oo ka dhacaya dalka Shiinaha.

Labada oradyahan ayaa ka qayb geli doona tartanka orodka ee jaamacadaha aduunka oo sagaal iyo labaatanka bishan ka dhacaya magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha. Waxaa magaaladaas ka dhacaya noocyada kala duwan ee ciyaaraha fudud balse Soomaaliya waxaa ku matalaya oo kaliya laba ciyaartoy oo labaduba tartamada orodka ka qayb gali doona.

Waxaa tartanka ka qayb geli doona orodyahanno ka kala socda jaamacadaha caalamka ee shanta qaaradood, waxayna orodyahannada Soomaaliya wajihi doonaan ciyaartoy qaarkood ka qayb qaata tartannada heer calami.

Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda orodka ee labada oroyahan ee Soomaaliyeed.

Nasra Abuukar Cali

Nasra Abuukar waa 20 jir, sannadkii 2003-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, halkaasna ku soo qaadatay waxbarashada hoose dhexe. Hadda waxay dhigataa Jaamacadda Jobkey oo ah halka lagasoo xulay si ay orodkan caalamiga ah ugu matasho jaamacadaha Soomaaliya.

Nasra ma laha taariikh orodyahannimo oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir oo aan wax ka waydiinay waxay noo sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarinayso ka qayb galka orodka boqolka mitir.

Ururka Jaamacadaha Aduunka ayaa hal arday ama ka badan ka xusha jaamacadaha waddamada waxaana la marsiiyaa qiimeyn, taas oo ka dhigan in aysan Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya si toos ah u dirsan iyagu soona xulan ardayga lagasoo xulayo jaamacadaha sida ay Khadiijo noo xaqiijisay, “waxaa lagasoo xulay jaamacadda Jobkey laakiin magaca Jaamacadaha Soomaaliaya ayey ku ordeysaa.” Ayey tiri Khadiija Daahir oo ka hadleysay sida lagu soo xulay Nasra.

Inkasta oo aysan Nasro lahayn taariikh orodyahannimo oo hore hadana waxay khadiijo sheegtay in ay orodka taqaan soona qaadatay layli orod oo ay kaga qayb qaadato tartanka , “qof aan orodka aqoon maba ordi karo” ayey tiri khadiijo mar ay ka hadlaysay in ay Nasro ordi karto.

Nasra waa arday jaamacadeed, welina xirfad ahaan ma aysan noqon orodyahan balse waxay muddo laba sana ah isu diyaarinaysay ka qayb galka tartankan sida aan kasoo xigannay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Marwo Khadiija Aadan Daahir.

Ad
Previous articleFaransiiska oo doonaya inuu duqeeyo Madaxtooyada Niger oo uu ku dhex xiran yhay Madaxwaynihii la afgembiyey
Next articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xiliga Dootashada Puntland Dhacayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here