Home Wararka Maanta Diyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay

Diyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay

0

Faahfaahinta ku saabsan sida ay u dhacday diyaaradii Drone-ka ah ee weerartay daarta dheer ee Moscow ayaa xadidan.

Marka la eego cabbirkeeda iyo qaabkeeda, waxay u badan tahay in markii hore loogu talagalay ujeeddooyin sahamin ah oo markii dambe loo beddelay drone-ka nooca -kamikaze, ama waxaa laga yaabaa in loo sameeyay oo keliya fulinta weerarrada gudaha dhulka cadowga

Waxyaabaha goonida ku ah ayaa waxaa kamid ah in masaafo dhan 1,000km (620 mayl), ay jari karto taas oo ka badan in ku filan in laga duulo dhulka ay Ukraine maamusho ilaa Moscow.

Ilaa hadda ma jirto cadaymo muujinaya halka laga soo tuuray diyaaradahan, balse si kastaba ha ahaatee, waxay dhibaato ku tahay maamulka Ruushka.

Hadii laga soo tuuray jiidda hore dagaalka waxay muujineysa daciifnimada difaaca hawada Ruushka.

Haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo tuuray gudaha dhulka Ruushka, waxay soo jeedinaysaa in laamaha ammaanku ay ka maqan yihiin gacan ku haynta dalkooda.

In la soo tuuro Diyaaraddan oo kale ma aha hawl fudud oo waxay aheyd in la dareemo.

Ad
Previous articleAskarigii Dilay Marxuumadd Bilan Xaashi Gaab oo Galmudug Caan ka ahayd oo Dil Toogasha lagu Xukumay
Next articleFaransiiska oo doonaya inuu duqeeyo Madaxtooyada Niger oo uu ku dhex xiran yhay Madaxwaynihii la afgembiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here