Home Wararka Maanta Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday

Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday

0

Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Fanaaniin iyo Abwaano Soomaaliyeed oo ka war-hayey xaaladda Marxuumka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geeridaan.

Allaha u naxariistee Axmednaaji wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Wuxuu isku ahaa Fanaan, Abwaan iyo Mulaxan, sidoo kale gacantiisa ayuu ku garaaca jiray Kabanka.

Wuxuu ka mid ahaa fanaantii hore ee hobollada qaranka ee Waaberi, wuxuuna dalka ka tegay waayihii burburka, isagoo degay dalka Ingiriiska.

Waxaa la sheegay in Axmednaaji uu Aabihiis ahaa Yemeni, isla markaana ay dhashay Hooyo Soomaali ah, taas oo ku korisay Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday yaraantiisii hobolladii qaranka.

Markii laga soo tago heesaha kale ee Soomaalida, wuxuu Axmednaaji aad u xiisey jiray heesaha Banaadiriga oo suugaan badan uu ka curiyey.

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Axmednaaji dhinacyada xaqiijiyey waxaa ka mid ah wiilkiisa oo waayahaan ku haayey isbitaal ku yaalla London oo caawa uu ku geeriyooday.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Mudo kadib Qaabilay Dad Mucaarad ku ahaa(Sawiroo)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Daarunimco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here