Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo Mudo kadib Qaabilay Dad Mucaarad ku ahaa(Sawiroo)

Axmed Madoobe oo Mudo kadib Qaabilay Dad Mucaarad ku ahaa(Sawiroo)

0

Madaxweynaha Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay siyaasiiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland oo horey Madaxweynaha ay u yeesheen wada hadalo miro dhal ah.

Madaxweynaha Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland iyo sidii labada dhinac isugu soo dhawwaan lahaayeen.

Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeday ayaa isla gartay sidii wadajir looga wada qaybgali lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey siyaasiyiintan oo kasoo horjeeday hab maamulkiisa kula kulmay Nairobi, waxa ayna kawada hadleen sidii ay isugu soo dhawwaan lahaayeen una taageeri lahaayeen maamulkiisa.

 

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaan Dhawaan laga Saaray
Next articleFanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here