Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Daarunimco

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Daarunimco

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Masjidka caanka ah ee deegaanka Daarunicma ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaankaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta soo weerartay degaanka Daarunicma, wuxuuna Taliyuhu sheegay in halkaas jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay is farasaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaan joognaa Masjidkii weynaa ee Daarunicma, waxaa deegaankaan gacanta ku haya ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, si wanaagsan ayaan uga guuleysanay kooxdii weerarka soo qaaday oo aad ayaa loogu jebiyey dagaalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Jeneraal Axmed Aadan oo shirkaan jaraa’id qabtay casir liiqii galabta ayaa sheegay in ciidanku ay howdka ku sii baacsanayaan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday oo jidanaya meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Daarunicma.

“Waxaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka uga mahadcelinayaa sida geesinimada leh ee maanta ay isaga difaaceen cadowga weerarka soo qaaday, waa dagaalanteen waxaana tihiin geesiyaal naftooda huray,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Wuxuu ku faanay in ciidanka xoogga dalka aysan ka baqin geerida, isagoo ku tilmaamay geesiyaal aan la maleysa karin sida ay u dagaalamayaan iyo qadiyadda adag ee ku jirta.

“Hadii mar kale ay Khawaarijtu isku daydo weerar kale inay soo qaado waxay u jebi doonaan sida maanta oo kale, hadda kadib kuma sugi doono halkaan ee howdka ay galeen ayaan uga dabageli doonaa,” ayuu yiri Taliye Axmed Aadan.

Markii laga soo tago ciidanka xoogga dalka, deegaanka Daarunicma waxaa ku sugan ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo marar badan Al-Shabaab ka difaacday, kuna jebiyey weerarro ay ku soo qaadeen deegaankaas
Ad
Previous articleFanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday
Next articleGudoomiyihii iyo ku Gudoomiya Ku Xigeenkii Degmada Caabduwaaq oo Xilka laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here