Home Wararka Somaliya Fahad yaasiin oo u soo jawaabay Ra’isul Wasaare Rooble

Fahad yaasiin oo u soo jawaabay Ra’isul Wasaare Rooble

0

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa maanta jawaab u diray RW Rooble, isagoo dalbaday shirweyne ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka si uu uu uga gudbiyo warbixinta uu RW Rooble ka dalbaday ee kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Qoraal uu Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul-wasaare Rooble oo VOA nuqul ka mid ah ay heshay ayaa Fahad wuxuu ku sheegay inuu doonayo in warbixinta uu dalbaday Ra’iisul-wasaare Rooble uu ka horjeediyo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha amniga Qaranka oo wad adhan. Golahan waxaa xubno ka ah; Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Madaxda Maamul-goboleedyada.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “ anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska Sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer Qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda kawada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso”

Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa sii raaciyay oo yiri “ Hayadda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”

Fahad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in macluumaadka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil uu la wadaago Golahan, halkaasina lagu gaaro go’aanno.

Dadka Fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay in talaabadan Fahad uu qaaday ayaa u muuqata mid uu ku doonayo in go’aanka laga gaarayo kiiska Ikraan aanu ku koobnaan Ra’iisul-wasaare Rooble.

RW Rooble ayaa shalay 48 saac u qabtay hay’adda NISA inay ku soo gudbiso warbixin dhab ah oo la xiriirta dilka Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda NISA.

Rooble ayaa haatan waxaa laga filayaa inuu isna jawaab ka bixiyo arrintan.

Xigasho VOA

Ad
Previous articleXaalad adag oo Deg Deg ah ayaa ka jirta Wadanka Guinea
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Soo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here