Home Wararka Maanta Fahad Yaasiin oo Mahad salaad Ku Eedeeyey inuu laayay Sarkaal Sar sare...

Fahad Yaasiin oo Mahad salaad Ku Eedeeyey inuu laayay Sarkaal Sar sare oo Ka tirsanaa Galmudug Yaa Kamid ah(Akhriso)

0

-Taliyihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa taliyaha cusub ee hay’adaas Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya..

Dilka  taliyihii NISA ee Dhuusamareeb

Fahad Yaasiin ayaa agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka taliyihii NISA ee Dhuusamareeb oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

“Mahad Salaad ayaa dilkaas qorsheeyey isaga ayaana dilay, Qooje Yare ayaa la yiraahdaa waa taliyihii NISA ee Dhuusamareeb, waa nin dhalinyaro ah oo caqli badan oo dagan oo qiimo leh ayuu ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin

Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xill uu halkaas tagayey Ra’iisul Wasaaraha.

“Isagaa ka dambeeyey oo qaraxaas fuliye, waxaana lagu dilay taliyihii ciidamada Militariga ee Galmudug oo isna la oran jiray Qooje, iyo laba sarkaal oo sar sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaan loogu talagalay in qaraxaas lagu laayo dhammaan mas’uuliyiinta, waana xaqiiq leh marqaati oo aan sheegi karno dadkii kala shaqeeyey,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ugu dambeyntii Fahad yaa sheegay inuu madaxwceynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu farriin ugu dhiibay qof ay saaxiibo yihiin markii uu maqlay in Mahad Salaad loo magacaabi rabo talyaha hay’adda uuna uga digay inuu tallaabadaas qaado, balse wuxuu sheegay inuu naxay markii uu maqlay warka sheegaya in Mahad Salaad xilka loo magacaabay

 

 

Ad
Previous articleDhageyso Xildhibaan Qaali Cali Shire oo weerar ku qaaday Fahad yaasiin
Next articleDhageyso Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la soo gaba gabeeyay lagana soo saaray Warmurtiyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here