Home Wararka Maanta Faahfaahin kasoo baxeysa duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya.

Faahfaahin kasoo baxeysa duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya.

0

Militeriga Mareykanka ayaa dilay 2 kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kadib markii uu duqeyn dhanka ah ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Ciidamada Mareykanka waxay kaashanayeen xilliggii ay fulinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa ka dhacay tuulada Labikuus oo dhacda gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, waana duqeyntii labaad uu Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in boqolaal kamid ah ciidamadiisii uu kala baxayo Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen markii Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay weerarkaas balse Africom waxay sheegtay in aysan jirin dad rayid ah oo ay waxyeello kasoo gaartay duqeyntaas.

 

 

Ad
Previous articleRecep Tayyip ErdoÄŸan oo gaaray Dalka iiraan kana Qaybgalaaya Shirka looga Soo Horjeedo Maraykanka(Sawiro)
Next articleWadaxajoodyadii Muuse Biixi iyo mucaaridka oo fashilmay iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo ka Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here