Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Faahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Daynuunaay

Faahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Daynuunaay

0

Wararka ka imaanaya Gobalka Bay ayaa xaqiijinaya in galinkii danbe ee shalay uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka wuxuu billowday markii kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka.

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari. Kooxda Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray .

Goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka malatariga qaybta 60-aad, oo aan la xiriirnay, ayaa dansaday taleefoonada sababo aan la ogayn.

Dagaalka wuxuu joogsaday markii uu gabalka dhacay inkastoo mararka qaar la maqlayey rasaas goos goos ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay, lamana oga inay ka baxayaan xerada Daynuunay iyo inay sii joogayaan.

Ciidanka Dowladda ayaa wada dadaallo ay dib ugu laabanayaan fariisinka xerada Daynuunay

Ad
Previous articleMooshin Xoog leh oo Durbaba ka Dhex biloowday Baarlamaanka Soomaaliya.
Next articleTurkiga Oo Qaab Casri Ah U Dhisaya Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here