Home Wararka Somaliya Jubbaland Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Qarax Xalay Ka Dhacay Kismaayo

Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Qarax Xalay Ka Dhacay Kismaayo

0

Waxaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay qarax miino oo lagu xiray guri uu magaaladaasi ka degnaa sargaal katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lagu xiray guri kuyaalla xaafada Kibooro ee magaalada Kismaayo , waxaana guriga qaraxa lagu xiray xilligaasi ku sugnaa qoyska sargaalka katirsan ciidamada Jubbaland.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad u sugnaa guriga lagu xiray, ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo dadkii ka dambeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada lagu xiro guryaha ay degan yihiin saraakiisha iyo masuuliyiinta maamulka Jubbaland , waxaana qaraxan oo kale oo Kismaayo ka dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo saacado ka dib ka hadlay Dagaalkii Baxdo ka dhacay
Next articleGabadha ajnabiga ah ee Af Soomaaliga ku qaadatay shahaadada PhD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here