Home Wararka Maanta Faah Faahin Ku saabsan Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin Ku saabsan Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax qasaare geystey oo caawa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Taleex ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lala beegsaday gaari nooca raaxada ah iyadoo sidoo kale waxyeelo ay ka soo gaartay baabuur kale oo maraysay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xirey gaari noociisu ahaa Surf halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa mid ka dhashay miino la dhigey wadada dhinaceeda.

Labo ruux ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxan iyadoo mid ka mid ah uu ahaa qofkii waday gaariga qaraxa lala beegsaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxya laamaha ammaanka,waxana uu qaraxan uu yimid xilli maalmihii la soo dhaafay ammaanka magaalada Muqdisho uu wanaagsanaa.

Ad
Previous articleFarmaajo oo soo dhaweeyay in Itoobiya Loo dhoofiyo Kaluunka Kuna Badalano Qaadka (Sawiro)
Next articleMaxkamada Ciidamada oo amartay in la soo qabto dadkii Galkacyo ku dilay Sheikh Cali dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here