Home Wararka Somaliya Faah-faahin: Ciidanka Haramcad ee Dowlada ka dajisay Dhuusomareeb

Faah-faahin: Ciidanka Haramcad ee Dowlada ka dajisay Dhuusomareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo  laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 200 ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan in gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo Degmada Guriceel oo jimcihii la soo dhaafay ay la wareegeen Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada la dejiyay qeyb kamid ah Magaalada, iyaga oo ku biiray Ciidamo dhawaan la geeyay halkaas.

Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada taabacsan Ahlusunna ee la wareegay Guriceel.

Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in aysan u socon dagaal ay la galaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug balse ay la dagaalamayaan Al-Shabaab, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay sheegeen in Ahlusunna ay doonayaan inay burburiyaan Maamulka Galmudug.

Ad
Previous articleDoorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo la dhamaystiray
Next articleGalmudug oo war ka Soo saartay jarista Dhirta (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here