Home Wararka Somaliya Faahfaahin: Saraakiil Caan ah oo lagu dilay Dagaalada ka dhacay Galmudug

Faahfaahin: Saraakiil Caan ah oo lagu dilay Dagaalada ka dhacay Galmudug

0

Wararka laga helayo deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degaanka.

Dadka deegaanka qaarkod ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid ka dib markii Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen deegaanka

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, iyagoo intaas ku daray iney weli degaanka gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu sababay khasaare nafeed, waxaana ilo-wareedyo kala duwan ay sheegeen inay ku dhinteen shan askari, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in dagaalka uu ku dhintay Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Galmudug.

Ad
Previous articleDagaalo culus ayaa ka dhacay Gobalka Mudug
Next articleImisa ayaa Ku dhimatay Dagaalkii Maanta ka dhacay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here