Home Wararka Maanta Dagaalo culus ayaa ka dhacay Gobalka Mudug

Dagaalo culus ayaa ka dhacay Gobalka Mudug

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira dagaal ku dhexemaray duleedka deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ciidamada daraawiishta Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishita Galmudug ku lahaayeen duleedka Shabeelow halkaasna uu ka dhacay dagaal qasaare geystey.

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab,hase yeeshee waxaa ciidamo ku dhintey dagaalka ka mid noqday Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in qasaare xoog leh labada dhinacba uu soo kala gaaray.

Koofurta Mudug ayaa waxaa howlgalo dhawaanahan ka waday ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federalka iyo ciidamada daraawiishta Galmudug,sidoo kale waxaa howlgaladaa ka qeybqaadanayay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, waxaana howlgaladaa dagaalamayaasha Alshababa laga qabsaday dhul ballaaran.

 

Ad
Previous articleDeg Deg Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley oo Qarax ku dhintay
Next articleFaahfaahin: Saraakiil Caan ah oo lagu dilay Dagaalada ka dhacay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here