Home Wararka Maanta Erdogan oo mucaradkiisa ku tilmaamay kuwo isku dhex yaacay

Erdogan oo mucaradkiisa ku tilmaamay kuwo isku dhex yaacay

0

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga AKP ee Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku shegay in “Xaqiiqda ah natiijada baarlamaanka ee doorashada oo guushu ku raacday Isbahaysiga Dadka, iyo kala sareynta cad ee u dhaxeysa doorashada madaxtinimada, ay khalkhal gelisay musharraxa mucaaradka CHP iyo maamulkiisa.”

Isaga oo ku doodaya in mucaaridku ay si “ula kac ah u marrin habaabiyeen” shacabka habeenkii doorashada ayuu Erdogan yiri, “hadda waxaan arkaynaa weerarro ka dhan ah shacabkeenna aanay codadkooda helin, taas oo ka dhan ah xeerarka aadanaha siyaasad iskaba daaye.”

Erdogan ayaa sheegay in mucaaridku “muujisteen nooc waliba oo arxan darro ah, ka bilow in ay gargaarkii ka jareen goobaha dhul gariirku ka dhacay iyo ka saarista hoteellada dadkii kasoo badbaaday dhul gariirka,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal qaraar Oo ka Socda Duleeska Laasacaanood
Next articleCanada oo beenisay war uu faafiyey wasiirka arrimaha dibadda Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here