Home Wararka Maanta Duqeymo Culus oo Lala Beegsaday Daacish-Ta Ku Sugan Gobolka Bari Xili Alshabaab...

Duqeymo Culus oo Lala Beegsaday Daacish-Ta Ku Sugan Gobolka Bari Xili Alshabaab Gobolo Badan Laga Saaray

0

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay saldhigyo koxoda Daacish ay ku leedahay gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeymahan oo ilaa saaka soo gaaray ayaa si gaar ah uga dhacay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo ay lahaayeen kooxda Daacish oo halkaasi fariisimo ku leh.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland oo diiday in magacyadooda la xigto, maadaama aan loo ogoleen iney arrintan ka hadlaan ayaa laga soo xigtay in duqeymahan lagu dilay saddex sarkaal oo Daacish ah, kuwaasoo aan wali la soo bandhigin xogtooda.

Si kastaba, Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Shalay Galmudug looga Dilay 73 xubnood kadib Dagaal Culus oo Dhacay
Next articleHooyo Sabab u Noqotay Dilka Ilmaheed Xili ay Aroos ku Socotay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here