Home Wararka Maanta Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) oo lagu dhax dilay Xafiiskiisa iyo Madaxweyne...

Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) oo lagu dhax dilay Xafiiskiisa iyo Madaxweyne ka hadlay dilkaasi

0

Kooxo hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ayaa gudaha isbitaalka degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay ku dilay isku diwihii Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed  Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda hubeesan xafiiskiisa ugu galeen Dr Bishaar kaddibna halkaasi ku toogteen,waxaana dilka kaddib la sheegay in gaari nuuca raaxada ah ku baxsadeen ragii dilka geestay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis  Laftagareen ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ee uu ka baxay  Dr Bishaar Cali Xuub oo ahaa Agaasimaha Ispitaalka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuum Dr Bishaar uu ahaa da,yar dalkiisa wax usoo bartay kuna qanacsanaa u adeegida bulshadiisa, balse uu sababsaday alshabaab uu sheegay in marwaliba mashquul ku yihiin sidii ay dunida u dhaafin lahayeen qofka bulshada waxtarka uah.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmada Aadan yabaal Xili Alshabaab laga Saraay Gobalka Shabeelada Dhexe
Next articleDagaal Culus oo ka socda Gobalka Hiiraan iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here