Home Wararka Maanta Dowladii ugu Horaysay oo Afrikaan ah oo dalkeeda ka Mamnuucday isticmaalka Aalada...

Dowladii ugu Horaysay oo Afrikaan ah oo dalkeeda ka Mamnuucday isticmaalka Aalada Tiktok

0

Dalka Senegal ayaa gebi ahaanba mamnuucday adeegsiga aaladda TikTok. Wasiirka Warfaafinta Senegal, ayaa sababta ku sheegay inay aaladdan sababtay naceyb bulsho iyo xisilooni darro ay dalkaas u horsaadey maalmihii dambe.

Mas’uuliyiinta Senegal ayaa Arbacadii xannibay gelitaanka barnaamijka TikTok ee baraha bulshada, ka dib markii ay kala direen xisbigii ugu weynaa ee mucaaradka oo ay xabsiga dhigeen hoggaamiyihiisii.

Loolanka awoodeed ee u dhexeeya hogaamiyaha xisbiga Pastef Ousmane Sonko iyo Madaxweyne Macky Sall ayaa dhaliyay mararka qaarkood mudaaharaad rabshado wata, waxayna dhaawacday sumcadda Senegal oo ah dalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Galbeedka Afrika.

Gobolkan ayaa waxaa ka dhacay mowjado afgambi militari ah saddexdii sano ee ugu dambeysay, oo uu ku jiro todobaad ka hor oo ka dhacay dalka Niger.

Senegal ayaa kala dirtay Pastef waxayna xaddiday gelitaanka adeegyada internetka, iyadoo loo aanaynayo khataro ku wajahan xasilloonida dalka..

Wasiirka isgaarsiinta dalkaas Moussa Bocar Thiam ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku yiri “TikTok waa shabakadda bulshada ee ay door bidaan dadka leh ujeeddooyin xun si ay u faafiyaan farriimaha nacaybka”

Hogaamiyaha mucaaradka dalkaas Sonko ayaa Sabtidii lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay kacdoon iyo dambiyo kale, waxaana loo taxaabay xabsiga.

Dadka Senegal aaladda ugu badan oo ay adeegsadaan waa TikTok, sida aan ka soo xigannay warbaahinta dalkaas.  Waa dalka uu ka soo jeedo Khaby Lame oo ah ninka ugu dadka (followers-ka) badan TikTok.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb ka Furay Shir Xasaasi Ah oo Alshabaab…..
Next articleTaliyihii Guutada Cali Bin abiidaalib oo lagu dilay Masaajidka Cali Gaduud Xili uu ku siijeeday Furimaha Dagaalka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here