Home Wararka Caalamka Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb ka Furay Shir Xasaasi Ah oo Alshabaab…..

Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb ka Furay Shir Xasaasi Ah oo Alshabaab…..

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada ku haray gacanta al-shabaab kaasoo oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowladd Galmudug ee ku xaray gacanta al-shabaab isla markaana loogu diyaar garoobo si heer sarreysa.

Ceelbuur, Ceelgaras iyo Galhareeri ayaa ka mid ah degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada Galmudug in la taageero howlgalka degaanadaas looga saarao Al-shabaab oo muddo dheer ka talineysay.

Ad
Previous articleDonald Trump oo lagusoo oogay dacwadihii ugu darnaa tan iyo bilowgii eedaymihiisa
Next articleDowladii ugu Horaysay oo Afrikaan ah oo dalkeeda ka Mamnuucday isticmaalka Aalada Tiktok

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here