Home Wararka Somaliya Galmudug Taliyihii Guutada Cali Bin abiidaalib oo lagu dilay Masaajidka Cali Gaduud Xili...

Taliyihii Guutada Cali Bin abiidaalib oo lagu dilay Masaajidka Cali Gaduud Xili uu ku siijeeday Furimaha Dagaalka Galmudug

0

Dagaal Qaraar oo Socday Ku Dhawaad Saacad ayaa Ka Dhacay Duleedka Maasaajidka Cali Gaduud xalay Fiiidkii Hore Dagaalkaan Oo u Dhexeeyey Laba Ciidan oo kawada Tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Allaha U naxaristee Waxaa Dagaalka ku geeriyooday Rag uu ka Mid ahaa  kaptan Maxamed Axmed Abshir Nuure oo Ahaa Taliyihii ururka labaad Guutada 15naad ee Cali ibnu Daalib kaas oo Hogaaminaayay Ciidamo Ka Tirsan Guutadaas oo Kusii jeeday Furimaha  Dagaalka ee Gobalka Galgaduud oo la Qorshaynaayay inay Alshabaab kasaaraan Guud ahaa Deegaanada Galmudug ee Alshabaab maamulaan.

Waxayna Isku dhaceen Ciidamo kale oo Sugaayay amaanka Deegeenka Madaajidka Cali gaduud.

Lama oga ilaa iyo Hada Waxa Sababay Dagaalgaan oo si kedis ah Ku Bilowday Sidoo kale Dowlada Soomaaliya Kama Hadal ilaa Haatan Dagaalkaan Kahsaraha Culus Dhaliyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Ciidamadii Ugu Badnaa ku Daabulaysa Deegaanada Galmudug oo Laga Bilaabaayo Wajiga labaad ee Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab.

kaptan Maxamed Axmed Abshir Nuure ayaa Kasoo Jeeday Deeganaada Galmudug Gaar ahaan Dhuusamareeb oo Si wayn looga Yaqaanay ayaa Maantay Waxaa laga Dareemayaa Tacsida Taliyaan oo aad looga Naxay.

Ad
Previous articleDowladii ugu Horaysay oo Afrikaan ah oo dalkeeda ka Mamnuucday isticmaalka Aalada Tiktok
Next articleCiidamada Kenya oo Dilay 50 ka Mid ahaa Alshabaab oo weerar ku Qaaday….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here