Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalmka

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalmka

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan taageero dhinacyo badan ka dalbatay deeq bixiyaasha caalamka iyo waddamada taageera Soomaaliya, waxaana aad u yar waddamada sida dhabta ah uga soo jawaaba codsiyada loo gudbiyo.

Ad
Previous articleBankiga Adduunka oo Warbixin cusub ka soo saaray kororka dhaqaalaha Somalia ee 2021
Next articleMaraykanka Oo Saxiixay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Dowlada Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here