Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Daah-furka TRT World (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Daah-furka TRT World (Sawirro)

0

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta qaaradda Afrika.

Laantan cusub oo la yiraahdo TRT AFRIKA ayaa la hadli doonta ilaa 400 milyan oo daawadeyaal oo ku dhaqan qaaradda Africa iyo dalalka dibedda, waxaana barnaamijyada ka bixi doona ay isugu jiraan arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska iyo tiknoloojiyadda, dhalinyarad iyo isboortiga.

Aasaasidda laantan cusub ee digitalka ee TRT AFRIKA ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya waddamada Afrika iyo dalka Turkiga.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ka faa’ideysan doona barnaamijyada iyo wararka ay TRT AFRIKA u tebin doonto qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu ka qeybgaley kulan lagu falanqeynayey xiriirka Afrika iyo Turkiga iyo doorka warbaahinta ka qaadan karto iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daud Aweis oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in xiriirka Afrika iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, salna uu u yahay wax wadaqabsi iyo wadashaqeyn ay labada dhinac ka faa’ideysan karaan, isagoo dhanka kalena faahfaahin ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka uu ku tallaabsadey 12kii sanno ee la soo dhaafey.

Waxaa uu Wasiirka intaa ku darey in ilaa 38 dal oo Afrikan ah ay safaarado ku leeyihiin Turkiga, halka Turkigana uu ilaa 44 safaaradood ku leeyaha qaaradda Afrika, taasna ay ka tarjumeyso muhimadda xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dhawaan Galmudug ku wajahan
Next articlefaahfaahin kasoo baxaysa Qarax Ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here