Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wararka sheegayo inay ka laabatay Kiiska Badda

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wararka sheegayo inay ka laabatay Kiiska Badda

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa mas’uulkii hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

“Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka.

Waxaa soo baxayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kuwaasoo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Khamiistii inay dib u soo ceshatay xiriirkii kala dhexeeyay dowlada Kenya kadib markii magaalada Muqdisho uu wadahadal kula yeeshay madaxda dowlada Soomaaliya ergey ka socday dowlada Qatar.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Kulan wada qaatay
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Beesha Caalamka kulan la qaatay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here