Home Wararka Maanta Kiisaska Caabuqa COVID-19 oo sare u kacay

Kiisaska Caabuqa COVID-19 oo sare u kacay

0

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay maanta in 24kii saac ee la soo dhaafay laga helay cudurka Covid 19 dad gaaraya 304 taasoo ahaa tiradii ugu badneyd ee laga helo dadka tan iyo markii uu soo labakacleeyay cudurkan.

Dadka laga baaray cudurkan 48kii saacadood ee ugu dambeysay ayaa gaartay 1,830 ruux,Tirada ay shaacisay wasaarada ayaa gobolka Banaadir oo kaliya laga helay dad gaaraya 147 halka Dowlad goboleedka Hirshabelle markii ugu horeysay tirada dadka laga helay ay gaartay 77 ruux,Somaliland 53 ruux,Galmudug 7 ruux iyo Koofurgalbeed oo laga helay 5 ruux.

Cudurkan ayaa si weyn ugu faafaya caasimada dalka ee Muqdisho iyo sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabele.

Hase yeeshee wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ay 48kii saac ee ugu dambeysay ay u geeriyoodeen dad gaaraya 8 ruux.

Dadka ayaa u muuqda inaysan dhag jalaq u siineyn fariimaha ay gudbinayaan dhakhaatiirta maadaama dadku ay is dhex socdaan isla markaana aan la dhagaysan talooyinka dhakhaatiirta.

Ad
Previous articleCida amartay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal Khaashuqji oo la shaaciyay
Next articleDowladda Soomaaliya oo ka gaabisay Tilaabo Halis ah oo dalka saameyn karta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here