Home Wararka Maanta Dowladda Oo Soo Bandhigtay Goobo Muqdisho Ah Oo Shabaab La Damacsan Yihiin...

Dowladda Oo Soo Bandhigtay Goobo Muqdisho Ah Oo Shabaab La Damacsan Yihiin Weeraro

0

Waxaa xalay xarunta degmada Waaberi lagu qabtay kulan balaaran oo looga hadlayay amniga degmooyinka Hodan, Waaberi, Xamar Jajab iyo Howlwadaag, degmooyinkan waxaa la isku dhahaa qeybta Waliyow Cadde.

Kulanka oo ahaa midkii ugu balaarnaa waxaa ka soo qeybgakay, Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir Muxudiin Warbac, Kusimaha taliyaha booliska gobolka Banaadir Siciid Baryare, Gudoomiyayaasha degmooyinkaas iyo taliyayaasha booliska iyo Nabad Sugida degmooyinka qeybta Waliyow Cadde.

Sida xogaha muujinayaan, kulanka oo ay saxaafadda dibad joog ka eheyd ayey NISA kusoo bandhigtay xogya cabsi laga qabo in kooxda Shabaab ay weerarl ka geystaan caasimadda,iyadoo la soo bandhigay goobo si aad ah loo tuhmayo iney bartilmaameed u noqon karaan kooxda.

Gudoomiyana degmada Waaberi Sugaale Ayaanle ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay iney xogo ku hataan in Shabaab weeraro la damacsan yihiin xarumaha iyo saldhigyada degmooyinka, Hoteelo iyo goobo ganacsi, walow aanu si gaar ah farys ugu sii fiiqin meelaha bartilmaameedka tooska ah.

“Kadib markii Cadawga xanuun badan lagu gaarsiiyay daafaha magaaladda, waxaan helnay xogo badan oo sheegaya shirqoolo cadawgu damacsan yahay inuu ku naafeeyo shacabka caasimadda uuna beegsado Hoteelada, ganacsiyadda, xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Waaberi.

Si kastana, kooxda Al-Shabaab ayaa dowlad aan muuqan oo dhinac socota dowladda federaalka ku leh magaalada Muqdisho. Waxay canshuurtaa ganacsiyada, waxay maxkamado uga yeertaa shacabka, waxayna soo saartaa amaro dhaqan-gala oo ay ku joojiso dhismayaasha kuna xirto goobo gacansi, balse mudooyinkan waxaa ka socda dagaal dhanka Maaliyada iyo mid toos ah oo ay qaaday dowladda.

Ad
Previous articleDowlada Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya
Next articleDab Khasaaro nafeed geestay oo caawa ka kacay guri kuyaalla magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here