Home Wararka Maanta Dowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub...

Dowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo Gaadiid

0

War saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in howlgal ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ka sameeyeen Muqdisho lagu qabtay xubno katirsan Al Shabaab ,hub iyo gaadiid.

Dowladda warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidamada NISA howlgalka kula wareegeen xarumo qarsoodi ah oo Al Shabaab lahaayeen iyo agab dagaal, sidoo kale ciidamada NISA  burburiyeen shabakad ku fulisa dilalka qorsheesan iyo qaraxyada.

War saxaafadaadka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al Shabaab ee la qabtay isugu jira xubno loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah iyo kuwa kale oo qaabilsanaa deegamaynta iyo u adeegidda kooxdan.

 

Ad
Previous articleMaraykanka oo Amaan kala Duldhacay Madaxweyne Xasan shiikh
Next article30 ka mid ah Dagaalyanada Alshabaab oo Xalay Saqdhexe weerar Gaadmo ah lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here