Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowladda oo Ciidamo badan geesay Degmo ay go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Degmo ay go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diyaarado ku geeysay ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, oo kamid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab.

Ciidamadan la geeyay degmada Ceelbarde ayaa laga qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo halkaasi laga bilaabayo.

Ciidankan cusub ee maanta la geeyay degmada Ceelbarde ayaa la dejiyay saldhigyo gaar ah oo ay ka howlgali doonaan, waxaana ciidankan garab siinayaan ciidamo kale oo horey oo horey ugu sugnaa degmada iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ayaa sheegay in ay qaadayaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanada hoostaga degmada Ceelbarde, waxa ayna sheegeen in dhawwaan howlgal balaaran halkaasi ka bilaabayaan.

Al Shabaab ayaa awwood badan ku leh qeybo badan oo kamid ah gobolka Bakool, waxa ayna Al Shabaab go’doomiyeen degmooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka joogaan Bakool.

Ad
Previous articleWasiirka Amniga ee Galmudug oo Maantay Tababar usoo xiray Ciidan ku Biiraya Booliska Galmudug(Sawiro)
Next articleP.m Xamze oo Maantay Amray in Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlada Laga Jaro Lacagta Gunnada ee ay Qaataan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here