Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

Dowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

0

Dowladda Ttoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay mar kale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.

Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka.

“Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka.

Ad
Previous articleJarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi
Next articleAnfac Haashi oo kasoo muuqatay Liiska Musharixiinta Golaha Deegaanka Oslo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here