Home Wararka Maanta Dowladda Britain oo Ballanqaad Culus usamaysay Maadxweyne Xasan Sheekh

Dowladda Britain oo Ballanqaad Culus usamaysay Maadxweyne Xasan Sheekh

0

Dowladda Britain ayaa hambalyo usoo dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku guuleestay doorasho uu kula tartamayay musharaxiin badan uu ku jiray Madaxweyne hore Farmaajo.

Wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa qoraal ay soo saartay ugu hambalyeesay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa ayna sheegtay in UK soo dhaweeneyso isbadalka Soomaaliya maamulkeeda ka dhacay.

Waxay sheegtay Wasiirka in dowladda Britain ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha.

Dowladda Britain ayaa kamid ah dowladaha reer Galbeedka ee sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana Britain ballanqaaday in arrimaha saddexda ah kala shaqeyn doonto maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad
Previous articleAbiya Axmed oo Hambalyo usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Next articleFaysal Cali Waraabe “Aniga oo waligey Daawan Doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u Dambeysay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here