Home Wararka Maanta Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

0

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar  Huruus, oo ku sugan magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysay shirka Qaramada Midoobay.

Wasiir Haruuse ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen, waxa ayna labada wasiir kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal .

Kulanka ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in labada wasiir uga wada hadleen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal oon hadda wanaagsaneyn iyo sidii isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir aad u wanaagsan la laheyd dowladdii hore ee madaxweynaha ka ahaa Farmaajo, waxaana hadda mad madow soo kala dhax galay dowladahha kala hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Ku Faanay inuu Qayb wayn ka Qaatay Dagaalka Shabaab looga saaray Hiiraan
Next articleDowlada Soomaaliya Oo Baaq Deg Deg Ah U Dirtay Deeq Bixiyayaasha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here