Home Wararka Maanta Dowlada Xasan shiikh oo Tii Farmaajo ku eedeysay inay alshabaab Fursad Siiyeen

Dowlada Xasan shiikh oo Tii Farmaajo ku eedeysay inay alshabaab Fursad Siiyeen

0

Dowladda Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, oo wali maamusho deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka katirsan.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee dowladdii Farmaajo jirtay la siiyay fursad weyn ay dhaqaale ku aruursadaan iskuna diyaariyaan.

Waxa uu sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee dowladdii hore u suurto gashay in dekadda Muqdisho kala soo degaan qaraxyo ,sidoo kale dalka soo galiyeen ajaaniibtii ugu badneed, waxa uu sidoo kale xusay in Al Shabaab waqtigaasi dhallinyaro badan maskaxda ka xadeen.

”Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah iney is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaan dagaalo badan la galin kooxda Al Shabaab, waxaana dowladaasi la sheegay in mashquul ku aheyd arrimo kale oo siyaasad u badneed ,halkii ay dagaal la gali lajeyd kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Halka Uu maraayo Safarkii Madaxweyne Xasan shiikh ee Dhuusamareeb
Next articleWasiirka TikTok-giisu doodda ka dhex dhaliyay baarlamaanka iyo waxa uu ku jawaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here