Home Wararka Maanta Wasiirka TikTok-giisu doodda ka dhex dhaliyay baarlamaanka iyo waxa uu ku jawaabay

Wasiirka TikTok-giisu doodda ka dhex dhaliyay baarlamaanka iyo waxa uu ku jawaabay

0

Wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shalay hortagay baarlamaanka Soomaaliya, iyada ajandaha uu qayb ka ahaa su’aalo la waydiinayay wasiirka oo ku saabsan ciidamada.

Qayb kamid ah su’aalihii la waydiiyay ayaa la xariiray qaraxii todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay xerada Jaalle Siyaad kaas oo sid aya shaacisay dawladda Soomaaliya ay ku dhinteen ku 25 askari, tiro intaa ka badnna ay ku dhaawacmeen.

“Qof dagaal ku jira, kallida tooreey maxaad iiga galisay, iyo madaxa maxaad saa iiga yeeshay, war uma aha. Dagaalaan ku jirnaaannnaga, Intaas iyo in ka badan furumahay nooga soo shahiidaa, maalin walbaanan aasnaa,” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay sababta ay ciidamadaas loo ilaalin waayay.

Cabdiqaadir oo kamid ah wasiirada da’da yar ee qaybta ka ah xukuumadda Soomaaliya, isaga oo isticmaala baraha bulshada gaar ahaanna app ka ay da”yartu u badan yihiin ee TikTo. Si joogta ah ayuu usoo galiyaa muuqaalo ku saabsan shaqoyyinkiisa maalin laha ah.

Dadka qaar ayaa dhaliil u arka isticmaalka baraha bulshada, gaar ahaan marka qofku hayo xil dawladeed sida wasiir oo kale.

Cabdirisaaq Ciid wuxuu kamid yahay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. kadib jawaabta uu bixiyay wasiirku wuxuu ku eedeeyay in dadaalkii loo baahnaa uusan ku bixin badbaadinta ciidamada sidoo kalana uusan muujinin damqasho ku filan – taas oo ahayd aragtida qaaska ah ee xildhibaanka.

Wuxuu tilmaamay in wasiirku uu wax badan uu ku mashquulo isticmaalka baraha bulshada.

Golaha ayuu ka hor sheegay dhawr muuqaal oo uu wasiirku soo galiyay bartiisa TikTok, isaga oo ku jiray hawl maalmeedyadiisa qaar.

Xuldhibaanka ayaa yiri: “Waxaan fiirsaday adiga oo jooga Galcad oo rag saraakiil ah lagu laayay, waxaan fiirsaday adiga oo Masagawaa jooga, waxaan fiirsday adiga oo jooga Masaajid-Cali-Guduud…Waxaan kaloo fiirsaday adigoo la socda madaxweyne Qoorqoor oo TikTok ka duubaaya oo uu ku leeyahay iga jooji ha iga duubine”.

Kadibna eedeymo ku aadan in isticmaalka TikTok uusan u habooneyn wasiir ka shqeeya sida wasaaradda gaashaandhigga oo kale ayuu u jeediyay.

“Wasaaradaan waa wasaarad muhiim ah , marka nin iska cayaaraaya in loo dhiibo runtii foolxumo waxay ku tahay wasaaradda iyo dhammaan ciidamada [qalabka sida] ee dalkaan.” ayuu yiri xildhibaan Ciid.

Wasiir cabdiqaadir ayaa ka jawaabay dhalliisha xildhibaanka kadib dhawr su’aalood oo kale oo la waydiiyay.

Wuux yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in xildhibaano badan ay TikTok igala socdaan. Marka TikTok waa aalad kamid ah aaladaha baraha bulshada oo farriimaha lagu gudbiyo, marka sidaan dhan inay saamayn u leedahoo oo xitaa xildhibaanada ay xubno ka yihiin uma aanan haysan.”.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa waxa ay u xiran yihiin baaritaan lagu sameynayo kadib qaraxii lala beegsaday ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa xerada Kuliyadda jaale Siyaad ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleDowlada Xasan shiikh oo Tii Farmaajo ku eedeysay inay alshabaab Fursad Siiyeen
Next articleMaxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Adag Ku Riday Tiktikleey Gacan ka Hadal dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here