Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Halka Uu maraayo Safarkii Madaxweyne Xasan shiikh ee Dhuusamareeb

Wararkii ugu Danbeeyey Halka Uu maraayo Safarkii Madaxweyne Xasan shiikh ee Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo Jimcihii ka soo laabtay safar dhowr cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha amniga Galmudug ay adkeeyeen amniga magaalada, iyadoona ciidamada lagu soo daadiyay waddada magaalada ka baxda ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Nuur Ugaas.

Magaalada waxaa maalin ka hor gaaray ciidan xoog leh oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Nabad Sugidda, kuwaa oo fariisimo ka sameystay goobo uu ka mid yahay Garoonka Ugaas Nuur.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo lagu wado in uu ka saldhig sameysto Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhiirigelin u noqon doono Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaybaha kale ee ciidamada, iyadoona uu hadafku yahay in muddo kooban lagaga takhaluso Shabaabka Gobollada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in muddo sanad ah ay dowladdiisu dalka kaga ciribtiri doono kooxaha argagixisada

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleDowlada Xasan shiikh oo Tii Farmaajo ku eedeysay inay alshabaab Fursad Siiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here